Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay Khubaro ka socota Hay’adda Dembi-baarista FBI-da u dirayaan dalka Ethiopia, si ay gacan uga geystaan Baraitaanka qarixii bam ee Sabtidii la soo dhaafay lala beegsaday Dibadbax lagu taageerayey Ra’isul-wasaaraha Isbedel-doonka ee dalkaasi, Aniy Ahmed Ali.
Xoghayaha Ganacsiga ee dalak Maraykanka, Gilbert Kaplan ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu maanta Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia kula kulmay magaalladda Addis Abeba.
Qaraxaasi oo loo xiray ilaa 30 qof ayaa waxaa ku geeriyootay 2 qof, halka inka badan 150-kalena ku dhaawacmeen.