Farmaajo oo u Hambalyeeyay Guddoonka Cusub ee Aqalka sare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dib loogu doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammaystirka doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Guddoonka Cusub iyo xubnaha Golaha Aqalka Sare in ay sii ambaqaadaan shaqooyinkii muhiimka u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya ee la soo qabtay sannadihii la soo dhaafay, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka, sida xilkasnimada leh ee ay u maamuleen doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ku qabsoontay hannaan dhiirrigelinaya dhammaystirka Doorashooyinka Dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor