• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 8, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Falaanqeynta guud ee Doorashadda Madaxtinimadda Galmudug

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 3, 2015
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wax ka yar 48-saacadood ayaa ka harsan xilliga lagu madalsan yahay inay ku kala baxaan Musharixiinta isku garbinayo xilka Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Garoonka uu Loolankaasi ka dhacayo ayaa ah Madasha Shirarka ee magaalladda Cadaado, iyadoo uu Musharax kasta rajo weyn ka qabo inuu noqon doono Madaxweynaha la doortay.

Xeeldheerayaasha ayaa waxay u arkaan doorashadaasi mid aad u adag, isla markaana ay Musharixiiinta ku jiraan kuwo isku dheelatiran, isla markaana taageerayaal badan ku dhex leh Bulshadda ku wada dhaqan Goballadda Dhexe.

Marka aad loo dhiraandhiriyo Falaanqeynta Musharaxa ku guuleysan doono xilkaasi, waxaa loo baahan yahay in la eego dabeecadaha ku xeeran Madasha Doorashadda iyo guud ahaan Goballadda Dhexe.

Waxay xaalladdu u muuqataa mid cakiran, waayo waxaa la filan karaa inay Ururka Ahlu Sunna Wal-jameeca qaataan go’aanno dhicis ka dhigi kara Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Siyaasiyiinta ayaa rumeysan in weerarkii Ahlu Sunna ku qabsadeen Dhuusa-mareeb iyo Shirweynaha ay Maamulka ugu sameynayaan Goballadda Dhexe inay tahay shax siyaasadeed lagu xanto inuu hagayo mid ka mid ah Musharixiinta ku sugan Cadaado, isla markaana loogu talagalay in gorgortan lagu galo haddii ay xaalladdu isku cakirnaato.

Maamulka Ahlu Sunna waxay sheegeen inay iyagu diyaar u yihiin in ay wada-xaajood ka galaan Shirka ay gogoshiisa dhigeen Dhuusamareeb, laakiinse, waxaa isweydiin mudan xilliga uu wada-xaaajoodku munaasab yahay ?

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Wada-xaajoodka Ahlu Suna u gacan-haatinayso inuu muujinayo inay xaalladdu tahay Gorgortan, waxaase habboon in maanka lagu hayo Maahmaahda ah Laabi labo u la’.

Sidaasi oo ay jirto ayaa waxaa aad loo hadal-hayaa Natiijadda Doorashadda Madaxtinimadda ee Galmudug, oo lagu wado inay wax 48-saac kadib lagu kala baxo.

Musharixiinta aadka loo hadal hayo ayaa kala ah Musharaxiinta kala ah Ambassador Axmed Macallim Fiqi, Axmed C/salaam Xaaji ,Jeneral Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo C/kariim Xuseen Guuleed, kuwaasi oo miisaan culus ku leh Siyaasadda Somalia  iyo Deegaanadda Goballadda Dhexe.

Hadal-haynta ugu badan ee ay dadka Reer Cadaado ku qiimeynayaan Doorashaddaasi ayaa waxay ku halqabsadeen in mid ka mid ah afartaasi Musharax uu ku guuleysan doono Doorashadda dhici doono maalinta Sabtiga ee soo socota.

Xeeldheerayaasha dhexdhexaadka ka ah Musharixiinta ayaa rumeysan in labada Musharax ee Axmed Fiqi iyo Axmed C/salaan loo saadaalinayo inay isugu soo hari doonaan Wareegga Kama-dambaysta, inkastoo uu Loolankaasi adkaan doono.

Labada Musharax oo Xilal kala duwan soo qabtay, ayaa waxay yihiin kuwo ka khibrad roon Musharixiinta kale, marka la eego shaxda guud ee lagu qiimeeyo musharixiinta.

Jeneral Cabdi Qeybdiid ayaa isagana la hadal-hayaa inuusan dab yar shidaynin, isla markaana ay suurtogal tahay inuu ku soo baxo, maadaama uu isagu horey u soo galay Tartankii Doorashadda ee Maamulka lagu dhisay Koonfurta magaalladda kala qeybsan ee Gaalkacayo.

Loolan kasta oo lagu tartamo Xilalka, waxay Musharixiinta yihiin kuwo is-eegta, isla markaana mararka qaarkooda heshiis-hoosaad wada galo, si uu midkooda ugu guuleysto Xilkaasi.

Iyadoo taasi jirto, ayaa waxaan shaki ku jirin inay Musharixiinta Madaxtinimadda Galmudug muujin doonaan Isbahaysi hoose iyo Isu tanaasul, si Musharaxa ugu cadad loo taageero, loona muujiyo in loo tanaasulay.

Si kastaba ha ahaatee, natiijadda Doorashadaasi ayaa noqon doonta mid ay qaar ka mid ah Musharixiinta ka biyo-diidaan, waxaase habboon inay Musharixiinta u hambalyeeyaan Musharaxa ku guuleysta Xilkaasi, lana shaqeeyaan.

© Radio Dalsan

 

Previous Post

Hawlgalka Midowga Europe (EUTM Somalia), oo qalabayn doona Ciiddanka Dowladda iyo Isbitaalka Xoogga Dalka Somalia

Next Post

Dhagayso: Warka Duhur 03-07-2015 by Fartuun Cabdi Cali & Farxiyo Maxamed Xuseen

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Next Post

Dhagayso: Warka Duhur 03-07-2015 by Fartuun Cabdi Cali & Farxiyo Maxamed Xuseen

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, ayaa maanta martigelin doonta ergooyinkii ugu horreeyay ee ka kala socda gobolka Sanaag iyo deegaanada...

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia wishes to make it unequivocally clear that no military forces have been deployed to the...

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malleeshiyaadka deegaanka ay wadaan dhaqdhaqaaqyo milateri...

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda...

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
English News

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Fire at Cairo Telecom Hub Kills 4, Disrupts Internet, Phones, and Air Traffic
English News

Fire at Cairo Telecom Hub Kills 4, Disrupts Internet, Phones, and Air Traffic

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
  • No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
  • Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
  • Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00