• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, May 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(Falaanqeyn) Shirka Wada-tashiga Qaranka: La-mood, noqonse weyday !!!

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 16, 2015
in Warar
Reading Time: 7 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda waxay caawa soo gebagebeeyeen Kulankii Labaad ee Wada-tashiga Qaranka, kaasi oo muddo 3 maalmood si caga-jiid leh uga socday Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Muqdisho.

Muhiimadda Shirkaasi ayaa waxa uu ku qotomay in la dejiyo Halbeegga Siyaasadda Mustaqbalka Somalia, gaar ahaan Nidaamka Doorashadda iyo qaabka Dowladda cusub ee la dooran doono horraanta bisha September ee sannadka soo socda.

Madaxda waxaa laga filayey inay culayska saari doonaan Ajendayaasha horyaallay, laakiinse waxay noqotay inuu Mas’uul kasta madasha la yimaado Hankiisa Shaqasiyaadeed, Beeleed iyo Maamulka uu Madaxda ka yahay, waana Dhaqan soo-jireen ah inay Siyaasiyiintu ku mintidaan Danahooda iyo Xilalkooda, balse aysan jeclayn inay noqdaan Xal-doonayaal u nugul Isku-tanaasulka.

Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda, marka laga reebo Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Jawaari waxay yihiin kuwo dhowrsanno ku jira Maamulka Siyaasadda, mana laha  Carbis-siyaasadeed iyo mid Mas’uuliyadeed oo dhamaystiran.

Haddaba, haddaynu Falaanqeyn ku sameyno Nuxurka War-murtiyeedka waxay u muuqdaan kuwo lagu hosaasinayo Khilaafka iyo Is-faham-xumidda u dhexeysa Madaxda ka qeyb gashay Shirka Wada-tashiga Qaranka, wuxuuna shirkooda la halbeeg yahay Shirkii Carabta.

Is-naqdintii Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Shariif Xasan  iyo Goodintii Madaxweyne Axmed Madoobe ayaana tusaale nugul u ah inay Madaxdaasi u baahan yihiin in la dhex dhigo Dib-u-heshiisiin Siyaasadeed, illayn Hoggaamiye kasta wax buu shiiqin doonaa.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa 7 qoddob ayaa kala ahaa:-

  1. Inaan wax muddo kordhin ah loo samayn karin Hay’adaha Dowladda Federalka, marka uu dhamaado mudada Dastuuriga ah ee Hay’adaha Dowladda
  2. In la dhiso laba Aqal ee Sharci-dejinta ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, ioo qeyb ka noqonaya Doorashada ka dhici doonto sannadka 2016
  3. In habka Awood-qeysbiga lagu saleeyo Qaabka Deegaanka iyo Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5
  4. In Aqalka Sare lagu soo doorto hab Deegaan iyo in Aqalka Hoose lagu soo dhiso Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5
  5. Inay Doorashada xubnaha Labada Gole ka dhacaan Caasimadaha Maamul Goboleedyada Dalka.
  6. In tiro kuraas ah oo cayimin haweenka laga siiyo Labada Gole ee la dhisi doono, lana dhowro xuquuqda dhalinyaradda iyo Beelaha laga tirada badan yahay
  7. In bisha Janaayo 10-da ee sannadka soo socda lagu qabto shir Wada-tashi
    magaalada Kismaayo, oo looga hadlayo Faahfaahinta nidaamka Fulinta ee Doorashadda 2016-ka.

War-muriyeedka Qoddobkiisa 1-aad wax dhadhan siyaasadeed kama muuqato, laakiinse xubnihii qoddobkaasi maro-ku-dhegga ku noqday waxay is-moogeysiinayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Jawaari iyo Ergooyinka Beesha Caalamka  horey uga shanqariyeen inaysan jiri doonin Xilli-kordhin muddada Dowladda Federalka xilka haynayso, marka qoddobkaasi waa mid aan Nacfi-siyaasadeed dambe lahayn.

Qoddobka 2-aad ee Dhismaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare waxa uu u muuqdaa in lagu laray  Laab-la-kac Siyaasadeed, waayo Dhismaha Labadaasi Gole waxaa lagu ansixiyey Heshiiskii Garowe 2, mana jiro Hoggaamiye ilaa xilligaasi soo hadal-qaaday Arrintaasi, balse iminka lagu awr-kacsanayo si loo tirtiro Eedeyntii uu Madaxweynaha K/Galbeed u jeediyey Dhigiisa Puntland.

Qoddobka 3aad waxa uu qeexayaa in Awood-qeybsiga lagu saleeyo Qaabka Deegaanka iyo Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5.

Xaqiiq ahaan qoddobkan waxa loo arkay Xal-dhexe oo meel la isugu keeni kara Madaxda ku kala aragtida duwan Qaabka Awood-qeybsiga, laakiin, lagama fekerin sirta qarsoon ee ka dambeysa ee Sed-bursiga loogu geysanayo Beelaha ku nool Deegaanadda looga tiro badan yahay.

Qoddobka 4-aad ayaa isagana ka daroo dibi dhal noqonayo, waayo Labadii Aqal ee Barlamaanka ayaa la sheegay inaan si mideysan loo soo dooran doonin.

Aqalka Hoose waxaa la yiri waxaa lagu dooranayaa Awood-qeybisga Nidaamka 4.5, halka Aqalka Sare lagu soo dooranayo Hab Deegaan. Laguma qeexin ujeedada keenaysa in Hal Nidaam lagu soo wada doorto Labada Aqal, waana hubaal inuu Is-jiidjiid badan dhalin doono Nidaamkaasi.

Qoddobka 5-aad waxaa lagu muujiyey in Doorashadda Labada Gole ka dhacaan Caasimadaha Maamul-gobaleedyadda, taasi oo aan lagu qeexin Damaanad-qaadka Hay’addaha Kormeerka Doorashadda, Nidaamka Sharciga loo marayo iyo Ammaanka  Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Maamul-gobaleedyadda ee isku soo sharxayo Xildhibaanimadda Golayaashaasi.

Wuxuuna qoddobkaasi Awood buuxda u siinayaa Madaxda Maamul-gobaleedyadda inay Shaqsiyaadka ay Jaalka yihiin ka dhigaan Musharxiinta ku guuleysatay Xildhibaanimadda Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

Qoddobkaasi waxa kaloo uu u muuqdaa inuu gacan-dhaaf ku samaynayo Awooddii Barlamaanka Federalka Somalia oo ah Hay’adda Qaranka ee Ilaalinta Sharciga, laguma xusin inay Xilliga Kala-guurka buuxin doonaan Xilka Qabanqaabadda, Kormeerka iyo Tirinta Codadka Musharixiinta ka qeyb qaadanayo Doorashooyinka.

Marka Qoddobka 5-aad wax micno muuqda ma lahayn, balse waxaa loogu talagalay inuu Madaxda Maamul-gobaleedyadda u noqdo Qalab ay ku jalaafayaan Maqaamka Barlamaanka Federalka.

Waxaana filayaa inay Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka qoddobkaasi war ka soo saari doonaan.

Qoddobka 6-aad ayaa waxaa lagu sheegay in tiro Kuraas cayiman Haweenka laga siiyo Labada Gole ee Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare. Xuquuqda Haweenka ee Golayaasha Dowladda waxa uu ku cad yahay Dastuurka oo u oggolaanayo Haweenka in Golayaasha laga siiyo saami dhan 30%.

Qoddobkaasi Mas’uulkii ama Mas’uuliyiintii ku soo daray War-murtiyeedka waxa uu yahay ama ay yihiin Khaa’inul-Waddan ku dhaqmayo Cunsuriyad, waayo waxay si jeesjees ka muuqato u sheegeen in Dhallinyaradda iyo Beelaha laga tiro badan yahay la siiyo Xubno u muuqda Quursi.

Qoddobka ugu dambeeya ee 7-aad ayaa lagu sheegay in magaalladda Kismaayo lagu qaban doono Kulan bisha Janaayo 10-da ee sannadka soo socda, lamana qeexin waxyaabaha xasaasiga ee looga hadli doono.

Markaynu doc kasta ka qeexno War-murtiyeedkaasi waxaa la dhihi karaa inay jiraan Madax doonaysa inay si xeelladaysan u duudsiiyaan Xuquuqda Mamaul-gobaleedka dhismayo, kuwa dhisan ee aysan Dowladda Federalka weli Aqoonsanin iyo Walaalaha Somaliland oo looga maarmi karin Geeddi-socodka Wada-tashiga Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, War-murtiyeedka caawa soo baxay Madaxda Golaha Wada-Tashiga Qaranka waxa lagu tilmaami karaa Wada-tashi La-marin-habaabiyey, kuna soo biyo shubanayo La-mood , Noqonse weyday!!!

© Radio Dalsan

Previous Post

Dhageyso: Warka Habeen ee Radio Dalsan 16-12-2015

Next Post

Madaxweynaha: “Soomaaliya waxay gaartey biseyl siyaasadeed oo arrimaheeda ay ku go’aamiso’’

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh

May 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan”.
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan”.

May 14, 2025
Xasan Sheekh oo Daahfuray Urur Siyaasadeed Cusub
Warar

Xasan Sheekh oo Daahfuray Urur Siyaasadeed Cusub

May 14, 2025
“Pepe Mujica, ‘The World’s Poorest President’ and Philosopher-Leader of Uruguay, Dies at 89”
English News

“Pepe Mujica, ‘The World’s Poorest President’ and Philosopher-Leader of Uruguay, Dies at 89”

May 14, 2025
R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
Warar

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

May 13, 2025
Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
Warar

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

May 13, 2025
Next Post

Madaxweynaha: “Soomaaliya waxay gaartey biseyl siyaasadeed oo arrimaheeda ay ku go’aamiso’’

Somali Police Arrest Criminal Gang Behind Killings and Robberies in Mogadishu; Deny Suicide Rumors of Security Officer

Somali Police Arrest Criminal Gang Behind Killings and Robberies in Mogadishu; Deny Suicide Rumors of Security Officer

by Liban
May 14, 2025
0

Mogadishu, Somalia – The Somali Police Force has announced the successful arrest of a criminal gang suspected of carrying out...

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Waxaa magaalada Nairobi si xawli ah uga socda kulamo siyaasadeed oo ay isugu yimaadeen madax hore oo ka tirsaneyd dowladihii...

Madaxweyne Xasan Sheekh“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan”.

by Ilhaan
May 14, 2025
0

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u sheegay in dalka Soomaaliya aan dib loogu celin...

Xasan Sheekh oo Daahfuray Urur Siyaasadeed Cusub

Xasan Sheekh oo Daahfuray Urur Siyaasadeed Cusub

by Ilhaan
May 14, 2025
0

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay si rasmi ah u daahfuray urur siyaasadeedka cusub ee Cadaaladda...

Somali Police Arrest Criminal Gang Behind Killings and Robberies in Mogadishu; Deny Suicide Rumors of Security Officer
English News

Somali Police Arrest Criminal Gang Behind Killings and Robberies in Mogadishu; Deny Suicide Rumors of Security Officer

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan”.
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan”.

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xasan Sheekh oo Daahfuray Urur Siyaasadeed Cusub
Warar

Xasan Sheekh oo Daahfuray Urur Siyaasadeed Cusub

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qatar to Host High-Level Donor Conference for Somalia Peacekeeping Mission AUSSOM Amid Urgent Funding Appeal
English News

Qatar to Host High-Level Donor Conference for Somalia Peacekeeping Mission AUSSOM Amid Urgent Funding Appeal

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Pepe Mujica, ‘The World’s Poorest President’ and Philosopher-Leader of Uruguay, Dies at 89”
English News

"Pepe Mujica, 'The World's Poorest President' and Philosopher-Leader of Uruguay, Dies at 89"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali Police Arrest Criminal Gang Behind Killings and Robberies in Mogadishu; Deny Suicide Rumors of Security Officer
  • Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh
  • Madaxweyne Xasan Sheekh“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan”.
  • Xasan Sheekh oo Daahfuray Urur Siyaasadeed Cusub

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00