Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ee Gobolka Togdheer oo rasaas xoogan ku furay boqolaal taageerayaal ah oo ku sugnaa Garoonka kubadda Cagta ee Burbo, kadib markii ay sameeyeen rabshado iyo buuq.
Ciidamada ayaa doonayay inay rasaasta ay ku kala eryaan taageerayaasha oo rabashado gacan ka hadal ah uu ku dhexmaray Garoonka kubadda Cagta ee Burbo oo xiligaas ay ka socotay Ciyaar ka tirsan tartaranka horyaalla Burbo.
Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer ayaa ku dhintay rasaasta la furay, halka uu dhaawac Culus uu soo gaaray Taliyiha Saldhig Ciidan oo ku yaalla Burco, waxaana durbbo loo qaaday Xarun Caafimaad.
Sidoo kale Garoonka ay ciyaarta ka socotay ee falka Khasaaraha geystay uu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirada Maaliyada iyo dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulka Somaliland, kuwaasi oo u soo daawasho tegay kulan Ciyaareed ka socday Garoonka.