• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, June 18, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(FAALLO): Maxaa lagu fasiri karaa Kulanka Madaxweynayaasha Somalia iyo Eritrea?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 28, 2018
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 5 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha muddada dheer ka talinaya Eritrea, Isasias Afewerki waxa uu la yimid Maskax Siyaasadeed cusub, si uu dalkiisa uga soo kabto Cunaqabataynta Caalamiga iyo Go’doominta ay Dowladaha deriska hor boodayeen.

Madaxweynaha Eritrea waxa uu dhawaan Heshiis la saxiixday Dowladda Eritrea, si looga gudbo Xilli-colaadeedkii u dhexeeyey labada Waddan, wuxuuna booqashadii u horreysay ku tegay bishan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba oo uu dhowr malamood marti u ahaa RW Abiy Ahmed, kana wada hadleen soo-celinta Xiriirka labadooda Waddan iyo Deganaanshaha Guud ee Mandiqadda.

Madaxweyne Efewerki waxa uu bilaabay inuu Madaxda dalalka deriska la kulmo, si loo xaliyo Khilaafyadii hore, wuxuuna casuumaadii ugu dambeysay u fidiyey dhigiisa Somalia, Maxamed C/lalahi Farmaajo, oo ay maanta booqasho 3 maalmood ah uga bilaabantay dalkaasi.

Inkastoo aysan Dowladaha Somalia iyo Eritrea haatan lahayn wax Xiriir Diplomaasi oo rasmi ah, haddana waxay Dowladda Eritrea galangal miisan leh ku lahayd Arrimaha Somalia 15-kii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimadda Eritrea ee Asmara waxaa mar Hoy u noqotay Siyaasiyiintii Mucaaradka ku ahaa Dowladdii KMG ee uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha U Naxariistee Kolonel C/llaahi Yuusuf Axmed.

Sidoo kale, magaalladda Asmara waxaa lagu xusuustaa iyadoo mar Madal Rasmi ah u ahayd Madaxdii Golaha Maxaakiimta Islaamka iyo xubno haatan  Xildhibaan ka ah Barlamaanka DFS, waana Magaalladdii lagu soo dhisay Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia ee loogu yeeri jirey Isbahaysigii Asmara.

Golahaasi waxaa Siyaasad iyo Milliteri ahaan looga soo horjeeday Joogitaanka Ciiddanka Ethiopianka ee ku sugan gudaha dalkeenna hooyo.

Dowladaha Eritrea iyo Ethiopia waxaa xilligaasi u dhexeeyey Colaad iyo Is-nacayb Siyaasadeed, waxayna colaadooda si dadban ugu soo wareejiyeen ama ugu soo xawileen  Gudaha Somalia, waxaana la sheegay inay  labada dhinac kala taageeri jireen  DKMGS iyo Golihii Maxkamadaha Islaamka Soomaliyeed.

Haatan oo ay Neecaaw cusub oo Diplomaasiyadeed laga dareemayo Bariga Afrika ayaa waxay Dowladda Eritrea guluf xooggan ugu jirta inay dalalka deriska u muujiyaan Diplomaasiyad deggan iyo Wax wada-qabsi cusub iyo in xilligii Ololka Dagaalladda lagu beddelo Nabad iyo Wada-noolaasho derisnimo.

Haddaynu falaanqeyn kooban ku samayno Waa Safarka Madaxweyne Farmaajo ku tegay waa kii ugu horreeyey oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalkaasi 15-kii sanno ee la soo dhaafay.

Labada Madaxweyne waxay isla gorfeyn doonaan Soo-celinta Xiriirka Diplomaasiyadeed, Dhowrista Mdaax Bannaanida Somalia, Joojinta Faragelinta Arrimaha Daakhiliga iyo Qoddobadda ku xiriirsan Danaha Labada Dowladood iyo labada Waddan iyo Arrimaha Mandiqadda.

 

Si kastaba ha ahaatee, Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Madaxweyne Farmaajo hor taallo Fursad ay Eritrea gacan kaga geysan karto sidii ay Somalia uga gudbi lahayd Marxalladda haatan.

Waa maxay nuxurka Galaangalka Eritrea ee Hagaajinta xiriirka dowladaha Gobalka ?

QM iyo Dowladaha Maraykanka iyo Ethiopia waxay si wadajir ah ugu eedeeyeen Dowladda Eritrea inay Faragelin muuqata ku hayaan Arrimaha Somalia, waxaana Dowladda Eritrea eedeymahaasi ku muteysteen inay Golaha Ammaanka ee QM ku soo rogaan Cunaqabatayn dhinaca Hubka oo ilaa iyo haatan saaran.

Dowladda Eritrea had iyo jeer gaashaanka ku dhuftaan Eedeymahaasi.

Kooxda Baarayaasha QM ugu qaabilsan Cunaqabataynta Hubka ee saaraan Somalia iyo Eritrea (The Monitoring Group on Somalia and Eritrea) oo loo soo gaabiyo SMEG waxay soo gudbiyeen Warbixino ku adaan hadba xad-gudubka lagu sameeyo Cunaqabatayntaasi.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM oo tirsigiisu yahay 2385 ee soo baxay sannadkii hore ayaa waxa uu Baarayaasha QM awood u siinayaan inay Hawlaha Kormeerka Cunaqabatayntaasi sii wadaan ilaa laga gaarayo bisha December 15-da ee sannadkan 2018-ka.

Golaha Ammaanka ee QM waxay Kooxda Baarayaasha ee SMEG waxaa xilli hawleedkooda ku ansxiyeen Qaraar tirsigooda kala ahaa 2060, 2093. 2111. 2142, 2182, 2244, 2317 iyo 2385, kuwaasi oo la soo saaray muddadii u dhexeysay 2012-kii ilaa 2017-kii.

Dowladda Eritrea waxaa weli saaran cunaqabataynta Hubka ee QM oo la sheegay inay ku muteysatay Eedeynta ku aadan inay taageeraan Xarakadda Alshabaab oo iyagu dagaal xooggan kula jira DFS  oo ay QM aoonsan tahay iyo Ciiddanka AMISOM.

Golaha Ammanaka ee QM waxay kaloo Madaxda Dowladda Eritrea ku soo rogeen Xayiraadda dhinaca Socdaalka, isla markaana laga wada xanibay dhamaan Lacagihii u yaallay Bangiyadda Caalamka.

Kulankii u dambeeyey ee ay Golaha Ammaanka ee QM bartamihii bishan July yeesheen waxay hakiyeen Codsi uu Ra’isul-wasaaraha Isbedel-doonka Ethiopia, Abiy Ahmed ku doonayey in Dowladda Eritrea laga qaado Cunaqabataynta ay QM ku soo rogtay.

Laakiin xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres oo RW Abiy Ahmed la kulmay waxa uu tilmaamay in Eritrea laga qaadi doono Cunaqabataynta, inakstoo uusan Xilli Rasmi u qabanin waqtiga Eritrea laga dul-qaadi doono Cunaqabataynta QM.

Dowladda Eritrea waxay haatan dareemaysaa Yididiilo ku aadan in laga qaadi doono Cunaqabataynta QM, wuxuuna Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerki  dareemay Fursad Siyaasadeed, kadib, markii uu Heshiiskii u horreeyey la galay Madaxda dalka Ethiopia oo ay ka dhexeyn jirtey Colaad Gaamurtay.

Previous Post

DEG DEG:-Goolhayihii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya oo geeriyooday

Next Post

Sawirro:-Shirweyne looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka Somalia oo lagu soo gaba gabeeyey london

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
Warar

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

June 17, 2025
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho
Warar

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

June 17, 2025
G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay
Caalamka

G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay

June 17, 2025
Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed
Warar

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

June 16, 2025
Next Post

Sawirro:-Shirweyne looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka Somalia oo lagu soo gaba gabeeyey london

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulanka maalintii labaad ee Gogosha Wadatashiga Qaran oo ka...

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Shirka Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo uu shalay...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa maanta kala...

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

by Ilhaan
June 17, 2025
0

 Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ahna Wasiirka Deegaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Xildhibaan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
Warar

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho
Warar

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay
Caalamka

G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign
English News

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
  • Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
  • Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
  • Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00