• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 23, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

FAALLO:- Hoggaamiyayaasha Madasaha Wada-tashiga Qaranka, Ammaan iyo Dhaliil.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 13, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Is-cimaamadin Siyaasadeed ayaa loo arkaa 7 xubnood ee ka tirsan Golaha Madasha Wada-tashiga Qaranka, kuwaasi oo la hadal-hayo inay iyaga isku koobeen Masiirka Guud iyo Talada Qaranka, maadaama ay Muwaadiniinta kale dibed-joog ka yihiin Madashaasi.

Guux Bulshadda Dhexdeeda, Siyaasiyiin wax mucaaradayo iyo qeybaha kale ee Ummadda waxay maalmahan si weyn u hadal-hayaan Kulankii Madasha Wada-tashiga ku yeesheen Villa Somalia iyo War-murtiyeedka laga soo saaray Nidaamka Doorashadda iyo Marjaca looga dambeynayo Ansixinta Cod-bixinta lagu soo dooranayo Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka.

Waa hubaal in Hoggaamiyayaasha Madasha Wada-tashiga lagu xaglinayo damac dheeri Maamul iyo Madaxtinimo ee Mustaqbalka, waxaana taasi laga dhadhansan karaa qaabka uu u qoran yahay War-murtiyeedka ay xubnahaasi soo saareen.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Madaxda Madasha Siyaasadeed ee Wada-tashiga bud-dhig aan dheelitirnayn u dhigeen Nidaamka Doorashooyinka, waxaana War Murtiyeedka ka muuqdo Dulduleelooyin dhinaca Sharciga, waxayna Madaxda  muujiyeen Isu-tanaasul Siyaasadeed si ay cagta u saaraan inay Hayinka u sii hayaan Dowladda soo socota.

Xubnaha Sare ee Madasha Wada-tashiga Qaranka oo ka kooban Madaxweynaha DF, Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Puntland, Galmudug, K/galbeed iyo Jubbaland, waxay dhamaantooda ka wada go’an inay ka sii dhex muuqdaan Masraxa Siyaasadda iyo Madasha Dowladnimadda.

Hamiga ugu weyn ee uu Siyaasi kasta doonayo inuu laaco ayaa ah Saldanadda Madaxtinimadda, gaar ahaan Xilalka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka, waxaa kaloo jira Musharaxiin hankoodu yahay Darajooyinka Xildhibaanimo, Wasiir, Taliye, Danjire, Agaasime Guud ee Wasaaradeed ilaa Mansabyadda kale ee la halmaala.

Markaynu diiradda ku eegno War-murtiyeedka Madasha Wada-tashiga Qaranka, waxaa ku jira Qoddobo niyad-jab ku noqday Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda haatan ee ku fekerayey inay mar kale sii hantaan Xilka Xildhibaanimo.

Moraal-jabkaasi ayaa waxa laga dheehan karaa Qoddobka Awoodda u siinayo Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedka inay iyagu leeyihiin saxiixa ugu dambeeya ee Xildhibaanadda ka mid noqon doono Barlamaanka cusub.

Waa qoddob halistiisa leh, isla markaana qeylo-dhaan xooggan ka taagan tahay, waxayna Xildhibaanadda BFS bilaabeen inay hoosta ka xariiqaan Qoddobadda iyaga saamayn karo, sida qoddobka Awoodda Madaxweyne-gobaleedka lagu siiyey inuu leeyahay Marjaca Saxiixa Xildhibaanadda laga soo dooranayo Maamul-gobaleedyadda.

Sidoo kale, War-murtiyeedka waxaa ka maqan Sharuucda Madaxda soo socota looga badbaadinayo Qasnadda Qaranka, maadaama inta badan Madaxda Dowladihii dalka soo maray lagu tilmaamay kuwo aan  ka xishoonin Hantida Qwaranka.

Qiimeynta Caalamiga ayeyna Somalia kaalinta Koowaad kaga jirtaa  Dowladaha ku caan baxay Musuqa iyo Kala-farsamaynta Hantida Qaranka iyo Kaalmooyinka Calaamka.

Ma cadda sababaha ay Golaha Wada-tashiga Qaranka indhaha uga qabsadeen Shuruudaha asaaska looga dhigayo Musharixiinta badan ee Loolanka ugu jira Xilalka Dowladnimo ee Dufanta loogu xaglinayo.

Waa hubaal haddii aan Qoddobo-hoosaadyo laga diyaarinayey arrimahaasi inay Dowladda cusub ee la dooran doono lagu tilmaami doono Dowladda Musuqa, illayn Ratiga dambe Ratiga hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay.

Waa Masallo Qaran oo u  baahan  in laga fekero Madaxda xubnaha ka noqon doono Dowladda cusub, isla markaana Musharax kasta la baarayo qaabka uu ku helay Malaayiinta Dollar ee uu ugu talagalay Ololaha Musharixnimadiisa, lagana hor tago in Codka la iibsado.

Ma sahalno in la joojiyo Dabeecadda Codadka Dufanaysan, waayo Xildhibaanaddii soo doortay Dowladihii dalka soo maray dhamaantooda waxaa maashaayeey musuqa la xiriira Codkgaa iibso, wuxuuna Iibsigaasi sababay Kobaca Musuqa, Fashilka Golayaasha iyo inuu Mas’uul kasta caadeysto inuusan ka xishoonin Hantida Qaranka ee ka wada dhexeeya Ummadda  Soomaaliyeed.

@Radio Dalsan

Previous Post

Wasiiradda Arrimaha dibedda ee Islaamka oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia.

Next Post

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ku dagaalamay Degmada Mahadaay

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

May 22, 2025
Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Warar

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

May 22, 2025
Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
Warar

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

May 22, 2025
Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

May 21, 2025
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho
Warar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho

May 20, 2025
Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

May 20, 2025
Next Post

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ku dagaalamay Degmada Mahadaay

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

by Ilhaan
May 22, 2025
0

Labada Dal Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada...

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

by Ilhaan
May 22, 2025
0

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee...

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

by Ilhaan
May 22, 2025
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta marti gelin doonta qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalka, kuwaasoo horey u...

Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

by Liban
May 22, 2025
0

ANKARA – Somalia and Turkey have officially launched a new media cooperation initiative as a high-level delegation from the Federal...

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Warar

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
Warar

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara
English News

Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Al-Shabaab Hit Hard: Somali Forces Unearth Massive Arms Stash
English News

Al-Shabaab Hit Hard: Somali Forces Unearth Massive Arms Stash

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Political Heavyweights Descend on Mogadishu as Opposition Mobilizes Against President Hassan Sheikh
English News

Somalia’s Political Heavyweights Descend on Mogadishu as Opposition Mobilizes Against President Hassan Sheikh

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
  • Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
  • Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
  • Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00