Dowladaha Somalia iyo Kenya waxaa ka dhex aloosan Xurguf Siyaasadeed tii ugu saamaynta xumaydmuddo sannooyin ah, waxayna Madaxda labadaasi dal u muuqdaan kuwo Aragti ahaan kala didsan.
Dowladda Kenya ayaa rumeysan inay Somalia tahay Dowlad aan cudud Milliteri lahayn, isla markaana aysan lahayn Inkaaniyadkii asaaska u ahaa Dagaalka Milliteri, waa sida ay rumeysan yihiin.
Dowladda Kenya waxay u muuqataa inay ka soo xirmayaan dhamaan wadiiqooyinkii ay DFS ku saari lahaayeen cadaadiska, si ay DFS uga laabato Dacwadda Muranka xuduud-baddeedka ee loo gudbiyey Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ.
Xeeldheerayaasha Mandiqadda ayaa rumeysan in Kenya looga guuleystay Siyaasad ahaan, isla markaana ay qarka u saaran yihiin in Go’aanka ICJ noqdo mid Somalia loogu xukmin doono muran-baddeedka ay Kenya sheeganayso inay leedahay.
Dowladda Kenya waxay bilowday dhaqan Siyaasdeed ku xun Diplomaasiyadda, Derisnimadda iyo Afrikaanimadda, waxaana taasi laga dheehan karaa cadaadisyada ay saareen Somalia, hadday noqon lahayd Duullimaadyada, Xushmadda Diplomaasiyadda iyo Xujo Siyaasadeedka kale ee aan garowshiyadda lahayn.
Dowladda Kenya waxay bishii Feberaayo shaacisay inay Somalia u aqoonsatay Dowlad caddow ku ah Kenya, isla markaana ay qaadi doonaan Tallaabo kasta oo lama huraan ah.
Waxay qeylo-dhaan ka keeeneen Shirweynihii London ee lagu soo bandhigay Kheyraadka Shidaalka iyo Gaaska ee Somalia, waxayna si aan hubsiimo lahayn Dowladda Kenya u sheegtay inay Somalia xaraashayso Xirmaha Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee ay ku jira xuduud-baddeedka Kenya, balse, taasi waxaa beeniyey Shirkado iyo Khubaro caalami ah.
Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed Ali oo rumeysan inuu Siyaasad Furfuran kula dhaqmo dalalka deriska ayaa waxa uu u xusul duubay inuu Somalia iyo Kenya dhexdhexaadiyo ,wuxuuna hal madal isugu keenay Labada Madaxweyne, kuwaasi oo ku guul-daraystay inay xal ka gaaraan Muranka Badda ee loo gudbiyey Maxkamadda ICJ ee magaalladda The Hague ee dalka Holland.
Fashilka wada-xaajoodkaasi ayaana noqotay Guul-daradii ugu horreysay ee Abiy Ahmed ka soo wajahday Mandiqadda, waxaana loo arkaa inuu qaab sal-fududeyd inuu ku so ogalay Dhexdhexaadinta, isago oaan hubsanin ubucda Muranka taagan.
Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo malaha wax badan soo xooraansaday ayaa waxa uu mar 2-aad shaaciyey inuu dhexdhexaadin doonoa Somalia iyo Kenya, si xal looga gaaro Khilaafka si idaba dheeraaday.
Diplomaasiyiinta ayaa rumeysan in Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo curdun ku ah Masraxa Siyaasadda uu ku jahwareeri doono Khilaafka Somalia iyo Kenya, gaar ahaan arrinta Xuduud-baddeedka la isku haysto.
Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed waxaa la gudboon inuu jawi deggan ku eego Khilaafka iyo Khariidada xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay iyo halka kala barta xuduud-dhuleedka Somalia iyo Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, haddii uu Ra’isul-wasaaraha Ethiopia u ololeynayo inuu magac ku yeesho Dhexdhexaadintaasi waxaa hubaal ah inuu si weyn ugu hungoobi doono, illayn waxaa su’aal ka taagan Xilliga Dhexdhexaadinta uu bilaabayo iyo waqtiga kooban ee ka harsan Go’aanka Maxkamadda ICJ ku go’aamin doonto Milkiyadda Xuduud-baddeedka ay isku haystaan Somalia iyo Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, Siyaasiyiinta Kenya waxay badankooda rumeysan yihiin in Somalia leedahay xuduud-baddeedka la isku haysto, balse ay Dowladda Kenya rajo kooban ka leeddahay in ay ku guuleysato Dacwadaasi.
Markaynu isku soo duubno, waxaa hubaal ah in Khariidada Somalia iyo Kenya iyo halka uu xuduudku u yahay laga dheehan karo in Kenya aysan lahayn xuduud-baddeedka ay ku qarwayaan.