Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa Cafis loogu fidiyey maxaabiis dhowr ah oo ku xirnaa xabsiyada ku yaalla Puntland.
Axmed Karaash ayaa munaasabadda Bisha Ramadaan iyo Ciidul-fitriga awgeed cafis ugu fidiyay 121 Maxaabiis ah oo ku xirnaa xabsiyada ku yaalla deegaanada dowlad Goboleedka Puntland.
Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in xeerkan uu dhaqan galayo markii uu saxiixo Madaxweyne kuxigeenka Puntland ,isla markaana waxaa uu saxiixay.
Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Axmed Karaash.