Faallo: Calawga Siyaasadda iyo Qaraxyadda saamayn ma ku yeelan doonaan Jadwal-hawleedka Doorashooyinka?

Inkastoo ay dhowr bilood ka harsan tahay Xilliga loo qoondeeyey Doorashooyinka Qaranka ee lagu dooranayo Madaxweyne iyo Guddoomiye Barlamaan Cusub iyo Xildhibaanadda Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka, ayaa waxaa haddana la isweydiinayaa sidee looga gudbi doona caqabadaha taagan.

Marka si deggan loo milicsado Xaalladda dalkeena, waa hubaal in la dareemayo cufnaan xooggan iyo baylahsanaan ka jirta dhinacyadda Siyaasadeed, Amni-xumo, Is-maandiidka iyo Midnimo La’aanta iyo Wada-shaqeynta liidata ee Dowladda Dhexe iyo Maamul-gobaleedyadda dhisan iyo kuwa weli jidka ku soo jira.

Mas’uuliyiinta Dowladda Federalka ayaa u muuqda kuwo diiradda ku haya Xilliga Kala-guurka iyo Hamigooda Xil-doonka Caynba caynka, waana hubaal Min Madaxweyne, Xildhibaan, Wasiiro iyo Saraakiisha Hay’addaha Dowladda inuu qof kastaba diiradda ku haya Mansabka uu ka heli doona Doorashooyinka lagu dooranayo Madaxda cusub ee Qaranka.

Waa qofba iyo Hankiisa, waana hubaal in habacsanaanta taagan qeyb ka tahay Madaxda Qaranka oo ku mashquulay Damaca Siyaasadda iyo Hamiga aan dhamaadka lahayn.

Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ayaa iyagana ilaa heer la dhihi karaa inay qeyb ka yihiin caga-jiidka, walow ay jecel yihiin inay isku dhex qariyaan Habacsanaanta Boorka Siyaasadda iyo Calawga saameeyey Golayaasha Dowladda.

Waxayna Xildhibaanadda maalmihii ugu dambeeyey u muuqdeen kuwo Furka Tuurtay, balse Kacsanaanta Xildhibaanadda ayaa u muuqda mid ay uga dan lahaayeen Boola-xoofteyn Siyaasadeed iyo inay qiil u helaan Mooshin Mas’uul ama Mas’uuliyiin daaqadda looga tuuri lahaa.

Madaxda Dowladda ma jecla in wax laga weydiiyo Kaalinta ama Kaalimaha ay ku yeelan karaan Amni-xumidda iyo Qaraxyadda, waxayna door bidayaan in Tooshka meel kale iyo Hay’ad kale lagu ifiyo.

Xaallad kasta oo sababta Amni-xumidda ayaa waxay saamayn ku yeelatay qeybaha Bulshadda ilaa Hay’addaha Qaranka, waxaana  dhowrkii Isbuuc ee ugu dambeeyey la arkayey Xusul-duub lagu adkeynayo Ammaanka.

Waana Dhaqan Soo-jireen ah inay Madaxda Qaranka iyo Madaxda Hay’addaha Ammaanka iyo kuwa Bulshadda ku soo baraarugaan marka la dareemo Amni-xumo iyo Qaraxyadda ay Alshabaab ka fuliyaan magaalladda Muqdisho, oo la bilaabo Shirar iyo Kormeer Habeenle ah oo aysan waxba ka soo naaso-caddaanin.

Waana naadir in la qabto kooxaha soo maleega qaraxyadda, oo la hadal-hayo inay gudaha Xaafadaha ku diyaarsadaan gaadiidka ay isqarxinta ku fuliyaan.

Khubaradda Ammaanka ayaa rumeysan in ay Alshabaab ka go’an tahay inay fuliyaan Qaraxyadda iyo Weeraradda oo ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan Ammaanka iyo inay caqabad Amni-xumo ku soo beegaan Xilligan oo abaabul loogu jiro Sugidda Ammaanka iyo U diyaar-garowga Qorshaha loogu gogol-xaarayo Doorashooyinka dhici doono dabayaaqadda sannadkan.

Khubaraddu waxay kaloo dareensan yihiin inay Taliyayaasha AMISOM iyo kuwa Hay’adaha Ammaanka ee Dowladda haba yaraatee isla meel dhigin Jaangoynta Guud ee Sugidda Ammaanka iyo Nabadda iyo Qorshaha loogu gogol xaarayo inay Dadka ku nool Goballadda heleen Deganaansho horseedi karta inay si cabsi la’aan leh ugu diyaar garoobaan Doorashooyinka.

Sidoo kale, Siyaasiyiin Madaxa Bannaan ayaa rumeysan in  la dardar-geliyo Dhismaha Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan oo ilaa iyo haatan u xaniban Isbaaro Siyaasiyadeed iyo mid Beeleed.

Waa muhiim in la kala furdaamiyo Caqabadaha, iyadoo had iyo jeer Tixgelin Dhamaystiran la siinayo inay Dadka Deegaanka ka tashadaan Dhismaha Maamul-gobaleedkaasi, oo la og yahay inay ilaa iyo haatan lugta jiidayaan Siyaasiyiin muuqda iyo kuwo si dadban wax u carqaladeynayo.

Waxaa kaloo loo baahan yahay inay Madaxda Qaranka iyo Madaxda Maamul-gobaleedyadda dhisan iska shaafiyaan Khilaafka Siyaasadda ee caqabadda ku ah Danaha Qaranka, waxaana habboon in la isku tanaasulo, lagana gudbo Damaca Shaqsi iyo sababaha kale ee loo abuurayo Ismaandiidka kala fogeyn kara Walaalaha Soomaaliyeed.

Haddii ay Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedka xaliyaan Khilaafkooda Siyaasadeed waxaa markaasi fursad loo heli karaa in Talo Mideysan laga yeesho sidii Walaalaha Somaliland loola fariisan lahaa, si looga dhayo Gocashooyinkii ay tebanayaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa su’aasha Muwaadin kasta ku beeran ayaa ah: Calawga Siyaasadda iyo Qaraxyadda saamayn ma ku yeelan doonaan Jadwal-hawleedka Doorashooyinka, mise xaalladdu waxay la mid noqon doontaa Jug-jug meeshaada joog oo kale ?

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor