Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Soomaaliya oo lagu xaman jirey inay had iyo jeer ansixiyaan Mooshinka Dufanaysan ayaa waxay maanta si wadajir ah u ansixiyeen Go’aan ku boorinayo Dowladda Federalka inay dadaal u gasho sidii Ciiddanka Kenya looga saari lahaa gudaha dalkeenna.
Xildhibaanadda oo malaha ay weli ku jirto Dareenka Waddaniyadda iyo Axyaa Waddan ayaa waxay qaateen go’aan marka loo fiiriyo dhinaca Diplomaasiyadda aad u baaxad weyn, waxaana la dareemi karaa inuu Go’aankaasi saamayn xilli dhow iyo muddo dheer yeelan karo.
Hadal-haynta Xildhibaanadda ayaa waxa muddo dheer ku taagnaa Sharcinimadda Joogitaanka Ciiddamadda Nabad-ilaalinta AMISOM, gaar ahaan kuwa dalalka deriska oo iyagu loo arko inay sii ololin karaan Mashaqada Colaadeed iyo Siyaasadeed ee ka aloosan dalkeenna.
Diplomaasiyiita Caalamka waxay mar hore ka digeen Faragelinta Dowladaha deriska ee Arrimaha Gudaha ee Somalia, laakiinse Baaqaasi ayaan la meel-marin, iyadoo ay Dowladda Maraykanka gadaal ka hagaysay Faragelintii Ciiddanka Ethiopia ee Xilligii Golaha Maxkamadaha Islaamka ee bartamihii sannadkii 2006-dii.
Heshiiskii Golihii Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed iyo Dowladdii KMG ee uu Madaxweyne ka ahaa Marxum Kolonel C/llaahi Yuusuf Axmed ku kala saxiixdeen ayaa waxay Madaxdii Maxkmadaha Islaamka shuruud ka dhigeen inay Ciiddanka Ethiopia marka hore ka baxaan Geyiga Somalia.
Shuruudaasi waa la meel-mariyey, kadib, markii ay Beesha Caalamka garwaaqsadeen Go’aanka Madaxdii Maxkmadaha ee uu horkacayey Guddoomiyihii Guddiga Fulinta ee Golihii Maxaakiimta, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markii dambe noqday Madaxweynihii Dowladdii KMG ee ugu dambeysay.
Laakiin, Dowladaha deriska waxay weli sii wadaan Faragelinta iyo inay qeyb ka noqdaan Deganaansho La’aanta Somalia, waxayna Ciiddanka Ethiopia iyo kuwa Kenya ee ku sugan Somalia yihiin kuwo loogu talagalay inay ilaaliyaan Danaha Dalalkooda.
Inkastoo aysan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si taxadir leh uga hadlin Arrimahaasi ayaa waxay ku af-gaabsadaan inay Dowladaha deriska taageero ka geystaan La-dagaalanka Alshabaab, iyadoo la og yahay inuu Hawlgalkaasi noqday Qandaraas aan dhamaad lahayn !!!?
Xaalladda ayaa iminka u muuqata inay Marxallad Cusub madaxa lala galayso, iyadoo Dowladda Kenya ciyaarayso Boob Shax Labo Geesood ah.
Dowladda Federalka Somalia ayaana ka biyo diisan Boobkaasi, waxayna qeylo-dhaan ay wehliso Dacwad Heer Caalami kaga soo horjeesteen Faragelinta Dowladda Kenya iyo Qorshaha ay ku boobayso Xuduud-baddeedka iyo xuduud-dhuleedka Somalia.
Dowladda Kenya waxay aad uga war-haysaa Qaladka Siyaasadeed iyo Tallaabooyinka Boobka Sohdimaha u gaarka ah Qaranka Soomaaliyeed..
Istaraatijiyadda Dowladda Kenya ayaa ah inay ka faa’ideystaan Marxalladda Awood-yarida Dowladda Federalka iyo Madaxda Dowlad-gobaleedyadda ee lagu hagayo Caqliga Siyaasadeed, kuwaasi oo aan lahayn Damiir Waddaniyeed, balse uu u muuqdo Kursiga Madaxtinimadda oo keliya.
Muranka Xuduudaha ee Somalia iyo Kenya waxa uu ahaa mid soo-jireen ah, gaar ahaan Qaddiyadda Lahaanshaha ee dhulka Soomaalida ka deggan yihiin Gobalkii NFD ee W/bari Kenya oo uu Gumeystihii Ingiriiska u xalaaleeyey Kenya.
Qaddiyadda haatan ma taagna Milkiyadda NFD, balse waxa uu muranka haatan ku qotomaa Boobka Siyaasadaysan ee ay Dowladda Kenya ku doonayso:-
- Inay kula wareegto 10,000 oo KM oo isku wareeg ah oo ka mid ah Xuduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya, ku toosan Gobalka J/hoose.
- inay qaab doqon-ma-garato ah ku boobaan qeybo ka mid ah xuduudka Degmadda Beled-xaawo , ee ku teedsan dhulka xuduudaha ee Kenya.
Mashruuca Kenya ee Dhismaha Derbiga waxa uu bilowday bishii March ee sannadkan, waxaana dhererka Derbigaasi lagu sheegay 800 KM.
Dowladda Kenya waxay dhegaha ka fureysatay in la joojiyo Mashruucaasi, waxayna door bideen inay Derbiga ka dhistaan gudaha dhulkeenna Hooyo.
Gardarradda Siyaasadeed ee Dowladda Kenya ayaana horseeday inay Xildhibaanadda BFS maanta soo gebagebeeyaan Shirar ay kaga hadlayeen Go’aanka laga qaadanayo Is-ballaarinta iyo Boobka Kenya iyo Ciiddankooda ka jooga gudaha dalkeenna.
Xildhibaanadda waxay muujiyeen Biseyl Siyaasadeed iyo in difaacaan Qaddiyadda Qaranka, waxayna si aan gambasho lahayn ugu codeeyeen in Ciiddanka Kenya laga wada saaro Goballadda Somalia iyo in Tallaabo laga qaado Dhismaha Derbiga Kenya ee lagu qarinayo Is-ballaarinta.
Xildhibaanadda waxay Xukuumadda Federalka ku dedejiyeen inay Qoraal Ashtako u gudbiyaan Golaha Ammaanka ee QM oo ka dhan ah Dowladda Kenya.
Ashtakadan haddii la gudbo waxay noqonaysaa Qaddiyaddii Labaad ee ay Dowladda Federalka kaga dacwoonayso Falaad-xumidda Kenya ee ay ku tumanayso Qaranimadda iyo Xuduudaha Somalia ee la aqoonsan yahay.
Bishii July 12-dii, Dowladda Federalka waxay Qoraal Dukumenti ka kooban 150 Bog u direen Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka “International Justice Court “IJC oo Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda The Hague ee dalka Holland.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka waxaa la gudboon Wadiiqad kasta oo lama huraan ah si looga hortago Gardarradda iyo Isballaarinta Kenya.
© Radio Dalsan