Wararka aan ka helayno Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Buule-burte ayaa ku warramaya in xalay magaaladaasi ay ka dhacday duqeyn cabsi iyo wal wal ku abuurtay dadka degaanka, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan duqeyntaasi.
Wararkuw axaa ay tilmaamayaan in xalay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay Madaafiic ku tuureen magaalada Buule-burte, gaar ahan saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta Madaafiicda, waxaana ay sheegeen in taasi ay cabsi ku abuurtay, maaddama ay ka cabsi qabeen in Madaafiicdu haleelaan guryahood, waxaana sidoo kale la sheegay in ay Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay dhowr Madfac tuureen oo ay isaga caabbiyeen duqeynta kaga timid dhanka Al-shabaab.
Wali ma jirto xog rasmi ah oo lahga helay khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi lagu garaacay Xaafadohaasi ka tirsan Magaalada Buule-burde ee Gobolka Hiiraan, sidoo akle Saraakiisha Ciidanku kama hadlin, waxaana Magaalada ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaareen Magaaladaasi.
Dhanka kale warar lagu baahiyay Baraha Internet-ka ee dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala damacsanaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, waxaana sidoo kale ay intaasi ku dareen in ay weerar ku qaadeen saraakiil sarsare oo katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, waa sida ay hadalka u dhigeene.