Faahfaahino Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxay Diyaaradii Ku Dhacday Buundo Carbis

Waxaa isa soo taraya wararka la xeriira diyaaradii kasoo dagi weysay garoonka diyaaradaha ee magaaladda muqdisho islamarkaasna ku dhacday Laami ku yaala inta u dhaxeysa Buundo Carbis iyo degmadda Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo Maamulka degmadda Afgooye.

Diyaaradda ayaa nuuceeda waxaa lagu sheegaya in ay aheyd Air Bus 380 waxaana saarnaa ilaa 6 qof, Wararkale ayaa sheegayay in dadka saarnaa ay kasoo laabteen Xajka.

Lama oga dadka ku waxyeeloobay, balse diyaaradda ayaa qeybta dambe ka burburtay inkastoo aysan qarxin.

Ciidamo aad u farabadan oo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM ayaa isku geedaamay halka diyaaradda ay ku dhacday, waxaana gabi ahaan la joojiyay in gawaaridda iyo dadkuba ay isticmaalaan halka diyaaradaasi ay saldhigatay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor