Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo xarunta Ciidanka booliska taraafikada ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 ruux oo ay 3 boolis ku jiran iney ku dhinten qaraxii saakay lagu weeraray xaruntasi.
Warar kale ayaa sheegaya in tirada dhaawaca ay ka sara martay 10 ruux oo shacab u badan.
Ciidamada ayaa toogtay nin ay ku sheegen inuu isku dayay inuu gudaha u galo xarunta kadib markii uu qaraxa dhacay.
Al Shabab oo sheegatay masuuliyada weerarka waxa ay sheegatay iney dilen saraakiil booliska ka tirsan islamarkaana ay ciidankooda gudaha u galen Xaruntasi.