Ugu Yaraan 14 qof oo ay ku jireen 8 Shacab ah,4 askari iyo 2 qof oo ah kuwii isqarxiyay ayaa la xaqiijiyay iney dhinteen.
Danjiraha Imaaraadka Carabta Ee Soomaaliya ayaa Ka Badbaaday Weerarkasi.
Waxa jira tiro kale oo intaasi ka badan oo iyaggana dhaawacyo ay ka soo gaareen Qaraxaasi oo wafdiga lagula eegtay agagaarka Tarabuunka.
Kooxda Al Shabab ayaa sheegatay Masuuliyadda Weerarka ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin Weerarkasi.