Faahfaahin+ Sawiro:- Ilaa Toban qof oo ku geeriyootay qaraxyo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Brussels.

Wakaalladda Wararka Belgian News Agency (BELGIA) ayaa sheegtay inay ilaa 10 qof ku geeriyootay, 30-kalena ku dhaawacmeen labo qarax oo saakayto ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee “The Zaventem Airport” oo ku yaalla magaalladda Brussels.

Wakaalladda waxay kaloo sheegtay in la maqlayey israsaasayn iyo qaraxyo ka dhacday gudaha iyo daafaha Garoonkaasi.

Ra’isul-wasaaraha Belgium, Charles Michel waxa uu sheegay inuu xaalladdu la soconayo daqiiqad-ka-daqiiqad, wuxuuna xusay inay mudnaantiisa koowaad tahay daryeelka Dhibanayaasha.

Idaacadda Belgium ee RTBF ayaa iyadana ka soo xigatay Goobjooge inay 3 qof ku dhawaacmeen ama ku miyir beeleen qaraxaasi oo ka dhacay Qeybta laga baxo ee Garoonka oo ka soo horjeeda Hotelka The Sheraton hotel.

Boqolaal qof ayaa la sheegay inay ku xayirmeen gudaha Garoonkaasi oo ay sannadkiiba ka dhoofaan, kana soo degaan  23 million oo qof.

Afhayeenadda Garoonka, Ankee Fransen ayaa sheegtay inay labo qarax ka dhaceen Hoolka laga baxa, iyadoo Kooxaha Gurmadka aya u yimid si ay dadka u caawiyaan.

Qaraxyadda ayaa la rumeysan yahay inay ka dhaceen Miiska wax lagu hubiyo ee Shirkadda American Airlines ku leeyihiin Garoonka abaarihii 08:00 aroornimo ee xilliga dalka Belgium.

Warbaahinta Belgian ayaa sheegtay in Garoonka la faarujiyey, mana jiraan Duullimaadyo la fasaxay.

Gaadiidka Tareenka ee Garoonka ayaa iyagana la sheegay in la joojiyey.

Dhinaca kale, Sawiro la soo dhigay Baraha Warbaahinta Bulshadda ayaa muujinaya dad ka cararyo qaraxyadda iyo qiiqa ka imaanayo Shismaha. Daaqadihii ayaa iyagana burburay quwadda qaraxyadda dartooda.

Qaraxyaddan ayaa yimid afar maalin kadib, markii magaalladda Brussels lagu xiray Salaax C/salaam oo ah ninka sida weyn loogu tuhunsan yahay qaraxii Paris ka dhacay bishii November ee sannadkii hore oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 130 qof.

EXPLOSION1 EXPLOSION3 EXPLOSION4 qarax11 qaraxa brussels

The Brussels Airport in Zaventem, is pictured in this file picture taken December 15, 2014. REUTERS/Eric Vidal/Files

garoonka brussels

 

WQ. Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor