Kooxo hubeysan ayaa caawa toogasho ku dilay Guddoomiye laameed ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Wariyaheena Abuukar Xasharo ayaa soo sheegaya in gudoomiye waaxeedka lagu magacaabi jiray Macalin Shabeellow oo ahaa Guddoomiyaha Laanta Sahan oo ka tirsan Waaxda Heegan ee degmada Yaaqshiid ayaa lagu dilay xaafada Sanca wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masaajid oo ku soo tukaday salaada Maqrib.
Xashara  ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ee falkan dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.
Shabeelow aya dhaawacyo halis ah qabay ayaa la sheegay in dad goobta ku sugnaa ay la carareen balse waxaa uu geeriyooday  intii loo sii waday goobaha Caafimaadka.