Wararka aan ka helayno deegaan u dhaxeeya Qeyacad iyo Bacaadweyne ee koofurta gobolka Mudug ayaa ku warramaya in halkaasi uu ka dhacay qarax khasaaro badan dhaliyay,waxana kasoo baxaya faah faahiino dheeraad ah oo laga helayo Qaraxaasi.
Wararku waxaa ay tilmaaamayaan in Gaari Caasi ah oo ay saarnaayeen dad shacab ahi ay Miino kula kacday deegaan u dhaxeeya Qeyacad iyo Bacaadweyne oo ka tirsan koofurta gobolka Mudug.
Inta la xaqijiyay labo qof oo shacab ah ayaa ku geriyootay, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka.
Degaanka Qaraxu ka dhacay ayaa ka mid ah degaanno dhawaan Al-shabaab laga qabsaday, kaasi oo dagaallo xooggani ay ka dhaceen, waxana la soo sheegayaa in dhaawacyo aad u liita ay soo gaareen dadka rakaabka ahaa, maraka laga tago labada qof ee ku dhimatay.