Wararka aan ka helayno degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku warramaya in Xalay dagaal xooggani uu ka dhacay duleedka Degmadaasi, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo la xariira dagaalkaasi.
Dagaalka oo ahaa mid saacado qaatay ayaaa lagu soo warramayaa in uu dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Ciidanka Kenya ee ku sugan Gobolkaasi Gedo, gaar ahaan duleedka degmada Balad Xaawo.
Dadka degaanka ayaa inoo sheegay in ay Maqlayeen daryanka hubka ay labada dhinac isku adeegsanayeen, waxaana ay sheegeen in dagaalku uu ahaa mid kooban, ayna dhinacyadu muddo saacado ah ay dagaalamayeen,iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Wali ma cadda Khasaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas waxaana dadka degaanku ay soo warinayaan in ay macquul taahay in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaas, Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee ku sugan Gedo iyo Maamulka Degmada Balad Xaawo wax war ah kama soo saarin dagaalka la sheegay in uu ka dhacay duleedka balad Xaawo.
Ciidanka Kenya ee ku sugan Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gedo ayaa dhibaato farabadan waxaa ay ku hayaan dadka degaan, waxaana mar waliba ay si bareer ah u xasuuqaan dadka shacabka, taasi oo mararka qaar keenta in Ciidanka Dowladda Soomaaliya eek u sugan degaanadaasi ay tallaabo qaadaan, waxaana dhawaan Ciidanka Kenya ay duleedka Ceel-waaq ku Xasuuqeen dad shacab ah, waxaan dhowr maal mood socday bannaanbaxyo waa weyn oo arrintaasi looga soo horjeeday.