Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kusoo waramaya in maanta halkaasi ay siyaabo kala duwan uga dhaceen dilal loo geystay askar ka tirsan Ciidanka dowladda iyo dad rayid ah.
Dilka hore oo dhacay duhurkii ayaa waxaa loo geystay qof ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Baladweyne oo la sheegay in loo dilay siyaabo lagu macneeyey Aano qabiil,mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada ayaa Warbaahinta u sheegay in la aqoonsaday raggii geystay falkan dilka ah oo markii falka ay geysteen goobta ka baxsaday.
Dhinaca kale caawa ayaa waxaa lasoo sheegayaa in isla magaalada lagu askari ka tirsan Maamulka Baladweyne, isla markaana ay qorigiisa qaateen Kooxihii dilkiisa geystay.
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay howl-gal baaritaan ah ay ka wadaan xaafadaha Baladweyne ee dilalku ay ka kala dhaceen Maanta illaa Caawa,walina maysan sheegin saraakiishu wax natiijo ah oo illaa iyo imminka ay ka sameeyeen howlgalka hadda socda.
Xaaladda Magaalada ayaa caawa yara daggan waxaana dilalkan ay qayb ka noqonayaan dilal muddooyinkii dambe ka dhacayey Magaaladaasi.