Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa sheegaya in xabsi ku yaalla halkaas ay weerar ku qaadeen Maleeshiyo beeleed hubeysan.
Weerarkan lagu qaaday xabsiga ku yaalla Gaalkacyo ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii shalay halkaas lagu xiray mid kamid ah dadka deegaanka, waxaana Maleeshiyaadka saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta xabsiga.
Ninka lagu xiray Xabsiga Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegay inuu dacweeyay mid kamid ah Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland, kadib markii 22-ka Bishii lasoo dhaafay qoraal uu kusoo qoray Boggiisa Facebook uu ku Aflagaadeeyay Wasiirka.
Laamaha amniga Gaalkacyo ee dhinaca Puntland ayaa sheegay in Ninka la xiray magaciisana lagu sheegay Cabdala Axmed Guuleed ay soo qabteen Ciidanka amniga, isla markaana loo heysto dembi uu ka galay Wasiir ka tirsan Puntland.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Maleeshiyaadka ay ku hanjabeen inay si xoog ah ay kusoo furan doonaan Ninkaas uga xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.