Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday Bar koontarool oo Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin Isgoyska Boqoleyda ee ku yaalla xaafadda Bardale ee Baydhabo, waxaana weerarka kadib laga maqlay rasaas xoogan.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in weerarka ay ku dhinteen laba qof oo shacab ah, halka 5 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, iyadoo dadkaas ay ku sugnaayeen meel ku dhow goob lagu iibiyo qaadka.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dadka waxyeelada soo gaartay ay ku jiraan haween iyo caruur goobtaas ku sugnaa, waxaana dhaawacyada la geeyay Xarun Caafimaad, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.
Dadkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay xalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa goobta ka baxsaday, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Maamulka Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayaan weerarkaas dhacay.
Si kastaba Baydhabo ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo geysteen rag hubeysan, waxaana xusid mudan in weerarada qaarkood oo ka dhashay khasaaro ay Mas’uuliyadooda sheegteen Al-shabaab.