Faah Faahin:-Weerar jid-gal ah oo lagu qaaday Ciidamo ka tirsan dowlada iyo AMISOM

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ahaa oo xalay lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo  AMISOM xili ay ka baxeen Degmada Jalalaqsi,kuna sii jeeday Gobolka Shabeellahah Dhexe.

Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhexeeysa deegaanada Fiidow iyo buurane oo ka tirsan Shabeellaha dhexe,isla markaana lagula eegtay Kolonyada Ciidamada dowlad ay la socdeen,kuwaasi oo Gaadiid ay leeyihiin AMISOM ka doonay Gobolka Shabeellaha dhexe.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo Siyaasada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Miro Xuseen Siyaad oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da  ayaa sheegay in Ciidamada dowlada xalay tirro saddex jeer ah wadada loo galay,isagoo xusay in wax khasaaro ah uu soo gaarin Ciidamda sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in weerar kadib Ciidamada dowlada iyo Al-shabaab dagaal socday Muddo uu dhexmaray,waxaana ka dhashay khasaaro,inkastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Al shabaab ayaa weerar jid’gal ah waxa ay mararka qaar ku qaadan kolonyada ay la socdaan Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ku socdaala wadooyinka deegaanada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media