Faah faahin:-Weerar dad lagu dilay oo Maanta laga fuliyay Kenya

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar geystay Khasaaro Nafeed oo duhurnimadii Maanta ka dhacay deegaanka Sarmani ee Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarkaas ku qaaday gaari Bas ah oo ay la socdeen dad ka yimid Mandheera, isla markaana ku sii jeeday Magaalada Nairobi, hayeeshee xili gaariga uu marayay deegaanka Sarmani ayuu weerarka qabsaday.

Ugu yaraan Saddex ruux oo kamid ahaa dadkii la socday gaariga ayaa weerarka ku geeriyooday, halka 5 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta ka baxsaday dad kale oo la socday gaarigaas.

Gaariga la weeraray ayaa waxaa la tilmaamay inay  laheyd shirkadda lagu magacaabo Moyale Raha, iyadoona Darawalkii waday gaariga uu kamid ahaa daddkii halkaas ku dhaawacmay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media