Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa shegaya in halkaas saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay shil khasaaro geystay.
Shilkaas ayaa sigaar uga dhacay deegaan lagu magacaabo Burkakaal, waxaana uu yimid, kadib markii uu rogmaday gaari nooca Soomaalida u taqaano BG oo siday dhuxul farabadan, kuna soo jeeday Magaalda Muqdisho.
Dadka deegaanka oo la hadlay Warqabadka Dalsan ayaa u sheegay in gaariga uu ku socday xawaare, uuna mar qura rogmaday xili uu mararay Burkakaal, isla markaana waxaa xiligaas la socday laba ruux iyo Darawalkii waday.
Hal ruux oo lagu magacaabi jiray Cabdi Shufey ayaa halkaas geeriyooday, waxaana markii horey soo gaaray dhaawac Culus, loona soo qaaday Muqdisho, hayeeshee markii la keenay Isbitaalka Keysaney ayuu dhintay, iyadoo mid kalena dhaawac fudud uu soo gaaray.
Deegaano hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa marar kala duwan ka dhacay shilal geystay Khasaarooyin, waxaana shilalkaas loo sababeeyay wadada oo meelaha qaarkood ka burbursan iyo gaadiidka oo xamuul xad-dhaaf ah lagu raro.