Faah faahin: Rag hubeysan oo ka dhex dagaalamaya Hotel ku yaal Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo Is-miidaamin ah oo Caawa ka dhacay meel ku dhow Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana rag hubeysan ay gudaha u galeen hotelka Xayaat ee ku yaalla halkaas oo ay ka dhex-dagaalamayan.

Gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray hotelka, sida ay sheegayaan dad goobta ka dhow, isla markaana waxaa la maqlayaa dhawaqa  rasaas xoogan oo ay ridayaa ragga hubeysan ee gudaha u galay hotelka.

Illaa saddex qarax oo is xig-xigay ayaa Caawa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana aada u kacsan xaaladda goobta ay qaraxyada ka dhaceen, khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyada.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aaga oo dhan isku gadaamay, waxaana la xiray gebi ahaan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa,  illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadii Caawa ka dhacay Muqdisho.

About Webmaster

View all posts by Webmaster