DEG DEG: Qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxyo waa weyn ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxyadaasi.

Qaraxyo Is-miidaamin oo is xig-xigay ayaa waxaa ay ka dhaceen agagaarka Isgoyska KM4, waxaana wararku ay sheegayaan in la weeraray Hoteel ka ag-dhaw KM4, oo wali laga maqlayo rasaas xooggan.

Dhawaqa Rasaasta ayaa wali la maqlayaa, dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya heegayaan in koox hubeysan ay gudaha u galeen Hoteelka, oo hadda laga maqlaqlayo rasaas ay is weydaarsanayaan Ciidanka ammaanka iyo dableyda Hubeysan.

Ma cadda cidda sida rasmiga ah loo bartilmaameedsaday, waxaana wali socda dagal ayadoo ay adagtahay in la ogaado khasaaraha ka dhashay Qaraxyadasi is xig-xigay.

Halkaan kala soco wixii kusoo kordha Qaraxyadaasi.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: