Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax galabta ka dhacay deegaanka Weydoow ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxaasi oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso,waxaana lala eegtay Gaari uu watay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya,xili uu marayay deegaanka Weydoow.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in qaraxa Khasaaro dhaawac ah uu kasoo gaaray Sarkaalkii Gaariga watay iyo qaar kamid ilaaladiisa,waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidamada dowlada.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,iyagoo halkaasi ka sameeyay baaritoono ku aadan sida uu u dhacay qaraxa.
Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxa markii uu dhacay wax yar hakad uu galay isku socodka Gaadiidka iyo dadweynaha ee deegaanka Weydoow duleedka Magaalada Muqdisho,balse markii dambe dib uu u soo laabtay.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxan Galabta ka dhacay deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho,kaasi oo lala eegtay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya.