Faah-faahin laga Helayo Burcad-badeed Xeebaha Puntland ka Afduubtay Markab Shidaal

Kooxo burcad-badeed Soomaali ah ayaa xeebaha maamulka Puntland waxaa ay ka Afduubteen markab Shidaal oo laga leeyahay Dalka Imaaradka Carabta, kaasi oo laga helayo faah-faahino dheeri ah,waxaana wararku ay sheegayaan in markabkaasi lageeyey Degaan xeebeedka Caluula ee Puntland.

Dadka dagan deegaanka Caluula ayaa u sheegay warbaahinta in markabaasi laba maalin ka hor la keenay deegaanka,islamarkaana halkaasi ay ku heestaan kooxihii soo Afduubay.

Warar kala duwan aya ka soo baxaya Afduubka markabkaasi,iyadoo qarkood ay sheegayaan in dhalinyaro Kaluumeysato ay ka danbeysay afduubka Markabka,waxaana la soo wariyey in howlgalkaas ay fuliyeen Sideed ruux oo Hubeysnaa oo markabka ka qabtay Xeebaha Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media