Faah faahin kasoo baxeysa Rag lagu dilay duleedka Magaalada Gaalkacyo

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa xalay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ew Xarunta Gobolka Mudug ku dilay wiilal dhalinyaro ah, kuwaasi oo meydadkooda laga helay duleedka Koonfureed ee Gaalkacyo.

Warar la helayo ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyay dilka dhalinyarada ay ka baxsadeen goobta, waxaana falkaas dhacay loo maleynayaa inuu salka ku haayo Arrimo la xiriira aano qabiil.

Taliska Booliska Mudug ee Galmudug ayaa meydadka dhalinyarada ku wareejiyey Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland G/Sare Muumin Cabdi Shire, iyadoo ay socdaan howlgallo lagu baacsanayo raggii fuliyay dilkaas dhacay.

Dhinaca kale Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Muumin Cabdi ayaa saakay sheegay inay soo qabteen ragii xalay qof shacab ah ku dilay Koofurta Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo u baxsaday dhanka waqooyi ee Magaalada

Dilal qorsheysan oo ay geysteen rag maleeshiyaad ayaa horey sidaan oo kale uga dhacay duleedka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana falalkaas inta badan ay salka ku haayeen Arrimo la xiriira aanooyin qabiil.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor