Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku dilay Guddoomiyaha xaafad ka tirsan Magaaladaas.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilkaas oo ay geysteen rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolad uu ka dhacay xaafadda Berdaale ee Baydhabo, waxaana la dilay Guddoomiyihii xaafada Daarusalaam ee Baydhabo.
Marxuumka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Maxamed, isla markaana waxaa goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas, iyadoona halka uu dilka ka dhacay laga qaaday Meydka Marxuum Cabdirisaaq.
Ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal lagu raadinayay dableydii hubeysneyd ee dishay Guddoomiyihii xaafada Daarusalaam ee Baydhabo ka sameeyay qeybo kamid ah Magaaladaas, in kastoo aysan jirin weli cid loo soo qabtay falkaas.
Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa marar kala duwan horey uga dhacay dilal qorsheysan oo geysteen rag dhallinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan falalka amni darro ee ka dhaca Baydhabo sheegta Al-shabaab.