Faah faahin:-Is rasaaseyn Caawa ka dhacday Degmada Warsheekh

Wararka aan ka heleyno Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Caawa ay ka dhacday Is rasaaseyn kooban.

Is rasaaseyntan ayaa waxaa la sheegay inay dhexmartay Askari ka tirsan Ciidanka Maamulka Warsheekh iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Cadale Yaasiin Geedi oo gelinkii dambe ee Maanta gaaray halkaas.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in Is rasaaseynta ay timid, kadib markii Askariga iyo Guddoomiye ku-xigeenka uu muran soo kala dhexgalay, sidaasina uu falka u dhacay.

Sidoo kale Yaasiin Geedi iyo Askariga dagaalamay ayaa waxaa labadooda soo gaaray dhaawac, kuwaasi oo loo soo qaaday dhanka Muqdisho, isla markaana waxaa la dhigay mid kamid Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamo ilaalo u ahaa Guddoomiye Yaasiin Geedi ay rideen qori Baasuuke ah oo ku xirnaa gaari nooca dagaalka, iyagoo u riday dhinaca Badda, waxaana Jugta qorigaas laga maqlay inta badan Xaafadaha Warsheekh, mana jiro wax Khasaaro uu geystay.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay uga hadlayaan Is rasaaseyntii Caawa ka dhacday halkaas.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media