Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo ku hubeysnaa bastoolado oo laba ruux oo dhalinyaro ahaa ku dilay Xaafadda Daarusalaam ee Degmada yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in ragg hubeysan ay toogteen labadaan ruux,xili ay ku sugaanyeen Xaafadda Daarusalaam.
Warar qaar aan heleyno ayaa waxa ay sheegayn in labada ruux ee la dilay mid kamid ah uu ahaa Shaqaalle u shaqeynaye Salaam Bank,halka kan kale uu ahaa Macalin wax ka dhiga Iskuul ku yaalla Duleedka Magaalada Muqdisho.
Ragii ka dambeeyay dilka loo geystay labada ruux ayaa waxaa la sheegay in durbo goobta ay ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga falka uu dhacayay ku sugnaa meel aan ka fogen goobta ayaa gaaray,iyagoo halkaaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira sida dilka u dhacay.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheyan,waxaana mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.