Askari ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa Maanta Darawal Mooto Bajaajle ahaa ku dilay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in dilka uu ka dhacay agagaarka Xaafadda faanoole ee Degmada Kaaraan,isla markaana loo geystay Mid kamid ahaa Darawalada Mooto bajajta ee ka shaqeynayay gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Waxaa la sheegay in uu dilka kahor muran dhex maray askariga iyo darawalka bajaajlaha ah ee la dilay,isla markaana askariga uu xabad Madaxa kaga ku dhuftay.
Wararka qaar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in askariga hubeynaa ee dilka geystay uu galay Guri ku yaalla Xaafadda faanoolle ee Degmada Kaaraan,iyagoona gurigaasi hada ay isku gadaameen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Darawalka la dilay meydkiisa loo qaaday Xarunta Hay’adda dembi baarista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.
Dilalka loo geysanayo Darawalada mooto bajaajta ayaa mar walba waxa ay ka dhacaan Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.