Faah faahin:-Dagaal xoogan oo weli ka socda degaan ka tirsan Galgaduud

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo weli ka socda deegaan duleedka ka ah Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar uga socdaa deegaanka Qalaanqale, kaasi oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed oo wada-dega halkaas, iyadoo isku adeegsanaya hubka noocaydiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkaas ka socda Qalaanqale uu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul-daaqsiymeed ku yaalla halkaas oo dhowr jeer Maleeshiyo beeleedka ay ku dagaalameen, kuwaasi oo kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Sidoo kale saacado kahor waxaa soo baxayay sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug loo diray deegaanka uu dagaalo ka socdo, hayeeshee ma jirto cid kala dhex-gashay labada dhinac.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan inay maqlayaan dhawaqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media