Kenya oo diiwaan-gelisay Kiisaskii ugu badnaa ee Cudurka Coronavirus ah

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Kenya ayaa shaacisay kiisas hor leh oo ah Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta 45 kiis oo cusub laga diiwaan-geliyay Xaafadda ay Soomaalida ay ku badan tahay Islii ee Magaalada Nairobi.

“Qofna ma garanayo cudurka corona, waana in dadka aan loo cunsuriyeyn”, ayey tiri wasaaradda Caafimaadka ee Kenya.

Tirada Guud ee kiisaska kenya laga helay waxay gaarayaan 535 qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media