Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kaas oo geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Bam-Gacmeed lagu tuuray fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafadda horsed ee magaalada Beledweyne intaas kadibna ay rasaas is weydaarsadeen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab iyo ciidamada dowladda fedraalka Somalia.
Dadka deegaanka ayaa dalsan u sheegay in dagaalku uu socday ku dhawaad 30-daqiiqo isla markaana ay arkayeen dad waxyeelo ka soo gaartay,waxaana markii dambe dib iskaga laabtay dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday Magaalada.
Xaaladda ayaa ah saakay mid aad u degan waxaana sidoo kale howlgallo sameynaya ciidamada dowladda fedraalka kuwaas oo baadi goob ugu jira dadkii ka dambeeyay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne.