Wararka aan ka heleyno Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dadka deegaanka Awdheegle ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkan uu ahaa mid xoogan,isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska Caabiyeen weerarkii kaga yimid Al-shabaab,isla markaana haatan xaalada guud ee deegaanka uu yahay mid degan.
Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Degmada Awdheegle, iyadoona ay xusid mudan tahay in dhowr jeer sidaan oo kale weeraro Al-shabaab ay uga geysteen degmadaas.