Faadumo Dayib oo laga saaray Guddiga Anshaxa Doorashadda Madaxweynaha iyo eedeyn ay u jeedisay mid ka mid ah Murashaxiinta

Faadumo Qaasim Dayib ayaa sheegtay in laga saaray Guddiga Anshaxa Ilaalinta Anshaxa iyo Asluub-wanaagga iyo Bad-qabka Geeddi-socodka Doorashadda Madaxweynaha JFS ee uu Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka uu toddobaadkan u magacaabay Maareynta Hawlaha Anshahaxa ee Doorashadda Madaxtinimadda oo dhici doonta bishan February 8-da.

Marwo Faadumo Qaasim Dayib oo haysata Dhalashadda dalka Finland waxay Barteeda Twitter-ka soo dhigtay in laga saaray Guddigaasi, isla markaana ay Qoraal Wargelin ka heshay Xoghayaha Guud ee Barlamaanka Federalka, C/kariim Xaaji Cabdi “Buuxe”, oo loogu sheegay in dib-u-eegis lagu sameeyey  tirada xubnaha Guddigaasi, lana go’aansaday in  iyada laga saaro.

Waxay kaloo sheegtay in Murashax Madaxweyne oo awood badan, rajana ka qaba in mar kale la soo doorto uu  ka dambeeyey in iyada Liiskaasi laga saaro, waa sida ay ku soo qortay Barteeda Twitterka ee @fqdayib

Si kastaba ha ahaatee, Faadumo Qaasim Dayib ayaa horey isku soo sharaxday Xilka Madaxweynaha JFS, balse way ka tanaasushay, iyadoo sheegtay inaysan Doorashadaasi noqon doonin mid Hufan oo lagu kalsoon karo.

Halkan ka akhriso Qoraalka ay soo dhigtay Twitter-keeda:

4h4 hours ago

I’ve been just informed that I am no longer part of this commission. And I think we all know why. They couldn’t silence me, couldn’t buy me!

Fadumo Dayib Retweeted Abdihakim Ainte

I’ve been just informed that I am no longer part of this commission. And I think we all know why. They couldn’t silence me, couldn’t buy me

None of the other 23 candidates had an issue with my appointment to the commission. Most reached out to congratulate instead of fearing.

It seems a candidate intent on coming back has insisted that I be taken off the list. Clear abuse of power! What is that candidate fearing?

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media