Ethiopia iyo Uganda oo ka wada hadlay dagaalka ka dhaanka ah Alshaaab

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia,  Dr Tedros Adhanom iyo Wasiirka Gaashaandigga ee dalka Uganda, Crispus Kiyonga ayaa  kulan ku yeeshay Caasimada dalka Ethiopiaa ee Addis Abeba.

Kulaankaasi ayaa waxaa looga hadlay Heshiis Isfaham oo ay labada waddanku kala saxiixdeen Iskaashiga dhinaacyaddaa Waxbarashadda, Beeraha, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Warbaahinta dalka Ethiopia ayaa sheegtay inay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia,  Dr Tedros Adhanom iyo Wasiirka Gaashaandigga ee dalka Uganda, Crispus Kiyonga ka wada hadleen Arrimaha dalka Somalia, gaar ahaan sidii ay Labada Dowladood  uga wada shaqeyn laahaayeen Ammaanka iyo nabadda Somalia.

Waxay labada dhinac isku raaceen inay wadaagaan Xogaha Hawlgalladda ka dhanka ah Dagaalamayaasha Alshabaab iyo khatarta kale. 

Dowladaha Ethiopia iyo Uganda waxay lafdhabar  u yihiin Ciiddamadda Hawlgalka AMISOM, waxayna Kumanaan Askari ku biiriyeen Hawlgalka AMISOM ee Alshabaab kula jira dagaalladda lagu loodin la’ yahay Alshabaab.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor