Ergaygii QM ee Suudaan oo ku dhawaaqay inuu Is-casilay Digniina diray

Volker Perthes oo ah Dibloomaasi u dhashay dalka Jarmalka ayaa waxa uu maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Sudan.

Ergayga oo Khudbadiisii u dambaysay maanta u jeediyey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa  waxa uu ka digay inuu Dagaalka ka socda  Sudan uu horseedi karo Dagaal Sokeeye oo dhamaystiran (full-scale civil war).

Is-Casilaadiisa ayaa timid, iyadoo ay  Dowladda Sudan ku dhawaaqday bishii June 8-dii ee sanadkan inay Ergaygaasi u aqoonsadeen Shaqsi aan laga sii jeclaan doonin dalka Sudan (persona non grata).

Qoraal uu Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-Burhan u diray Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayuu ku sheegay inuusan Ergayga dhexdhexaad ka ahayn Colaada dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply