Erdogan oo sheegay inaysan Somalia gacmaha ka laaban doonin Xilliga Adag ee ay ku jiraan.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa maanta sheegay inuu Somalia u aqoonsan yahay dal Walaalo ah, isla markaana ay sii wadi doonaan Taageerida Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Kaabayaasha ilaa ay ka gaarayaan Nabad.

Erdogan ayaa hadalkaasi ku sheegay Khudbadii Furitaanka Shirka Madasha Sare ee 6-aad ee Somalia iyo dalalka taageera, kaasi oo maanta ka furmay magaalladda Istanbul.

Erdogan oo Shir-guddoomiye la ah dhigiisa dalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku dheeraaday Arrimaha Somalia, gaar ahaan inay u baahan yihiin in la taageero, maadaama uu dalku ka gudbayo Xilli Khatar ah.

“Xaalladda Jidkan dhagaxa ah, waxaan u baahanahay inaan taageerno Somalia, marnaba kagama tegi doono xalladan adag” ayuu yiri

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu tilmaamay inay Turkiga in ka badan 30 sanno la dagaalamayeen Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, wuxuuna xusay in laga guuleysan karo marka aan loo kala qeybinin kuwo fiican iyo kuwo xun Argagixisadda.

Madaxweynaha Turkiga waxa uu sheegay inaysan Turkiga wax kala duwanaansho ah u samaynin Kooxaha uu ugu yeeray Argagixisadda, wuxuuna Calaamka ugu baaqay inay qabsadaan Aragtidaasi.

“Waxba nooma kala duwana Alshabaab iyo Daacish, ama Alsnusra ama waxa u dhexeeya PKK, PYD iyo YPG” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Wuxuuna ku baaqay in la qaado Halgan ka dhan ah Cabsidaasi, isagoo carrabka ku adkeeyey inay Argagixiso tahay Argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay.

erdogan and hassan

shirka Istanbul000

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor