Shirkadda Diyaaradaha Masar ee Egypt Air ayaa sheegtay in la afduubtay Diyaarad ay la socdeen 81 qof oo isaga kala gooshaysay Alaskandariya iyo Qaahira.
Diyaaradda oo nooceedu yahay Airbus A320 waxay haatan ku sugan tahay Garoonka diyaaradaha ee Larnaca airport  ee Jesiiradda Qubrus.
Barta Twitterka ee Shirkadda Egypt Air ayaa lagu soo qoray  inay wada hadal la bilaabeen Afduubayaasha oo aan weli tiradooda la shaacinin.
Wixii ku soo kordha Afduubkaasi, waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allaahu.
Our flight MS181 is officially hijacked. we’ll publish an official statement now. #Egyptair