Duuliyihii Raashiyaanka ee la soo badbaadiyey oo hadlay.

Mid ka mid ah Duuliyayaasha oo lagu magacaabi jirey Lt.Colonel Oleg Peshkov ayaa waxaa dilay Kooxo hubeysan oo uu u gacan-galay, halka  mid kalena la soo badbaadiyey, kaasi oo sheegay inaysan Milliteriga Turkiga na siinin wax digniin ah.

Captain Konstantin Murakhtin oo ah Duuliyihii Koowaad ee Diyaaradda Raashiyaanka ee la soo badbaadiyey ayaa ka codsaday Taliyihiisa inuu u oggolaado inuu sii joogo dalka Syria.

Captain Murakhtin oo ka soo jeeda Qoys Raashiyaan ahaa Duuliyayaal Ciiddanka Cirka, waxa uu aabihiisa ahaa Lt. Colonel ayaa sheegay in xilliga gantaalka lagu soo duqeeynayey Diyaaradda inuu isagu hagayey Diyaaradda oo ku duulaysay jog qiyaastii dhan 6,000 meter altitude.

Waxa uu sheegay inay wax kasta u cadaayeen oo ay cadceed jirtay, isla markaana uu si fiican u arkayey Khariidada, halka uu ku duulayey iyo halka uu yahay xuduudka.

Captain Murakhtin oo Saxaafadda kula hadlay Saldhiga ciiddanka Cirka Raashiya ee Hemeimeen ee dalka Syria ayaa sheegay inuusan xitaa xilligaasi lka baqanayn inuu galo Hawada Turkiga.

Mar wax laga weydiiyey qaabka loo soo badbaadiyey waxa uu sheegay inuu muddo dhowr saacadooda ku dhuumaalaysanayey dhulka Hawdka, ka hor inta aan helin, isagoo isticmaalayo iftiinka Fooneeyaha hagida.

Captain Murakhtin waxaa soo badbaadiyey 18 ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee Dowladda Syria iyo 6 dagaalyahan oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xisbullaahi ee taageeradda siiya Milliteriga Syria.

Captain Konstantin Murakhtin 1 Captain Konstantin Murakhtin 2 Captain Konstantin Murakhtin 4 Captain Konstantin Murakhtin,

© Radio Dalsan                      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor