Duulimaadyadii aadi jiray Gobolada dalka oo hakad galay iyo sababta keentay

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya in saakay ay hakad ku jiraan duulimaadyadii gudaha, kadib markii ay gadood sameeyeen Shirkadaha duullimaadyada ee aada Gobolada dalka.

Sababta shaqo joojinta ay u sameeyeen Shirkadaha duullimaadyada ayaa waxa lagu sheegay inay tahay muran ka dhashay xayiraad hay’adda NISA saartay Mid kamid ah Shirkadaha duullimadyada ee tegi jiray Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo.

Dad ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa soo sheegaya in dad badan oo rakaab ah, isla markaana kusii jeeday Gobolada dalka ay ku xayiran yihiin gudaha Garoonka, uuna weli taagan yahay muran xoogan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in shaqo joojin ay ku dhawaaqeen Guddiga ay ku mideysan yihii shirkadaha diyaaradaha, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin shirkada ka shaqeysa duulimaadyada ee loo diiday aadida Garoonka Doolow ee Gobolka Gedo.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxayb Maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdiso iyo hay’adda duulista raydika Soomaaliyeed oo ku aadan muranka saakay ka taagan Garoonka iyo shaqo joojintii la sameeyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media