Xeer-ilaaliyaasha dalkaasi ayaa maanta sheegay inay 2 sanno oo xarig ah ku xukumeen Duqa magaalladda Jakarta, Basuki “Ahok” Tjahaja Purnama, kaasi oo shalay looga guuleystay Doorashaddii loogu tartamayey Xilka Duqa magaalladda Jakarta.
Basuki Ahok oo asal ahaan ka soo jeeda Shiinaha ayaa lagu helay inuu wax sheegay Qur’aanka Kariimka, waxayna taasi abuurtay carro xooggan, iyadoo ay boqolaal kun oo Muslimiin ah dhigeen dibadbax ay kaga soo horjeedaan Duqii hore ee Jakarta.
Qareenadda Ahok ayaa sheegay inay joogi doonaan xilligiisa ugu dambeeyey ee Is-difaacida dacwadda lagu soo oogay, taasi oo dhici doonta  bilowga bisha soo socota.
©Radio Dalsan