Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday fariisimo Al-Shabaab ee G/Gedo

Diyaarado dagaal ayaa Maanta qeybo kamid ah gobolka Gedo Koonfur Galbeed Somaaliya ka geysatay duqeyn dhalisay khasaaro,iyadoona haatan xaaladu ay tahay mid kacsan.

Diyaarado dagaal oo aan weli la cadeyn halka laga leeyahay ayaa duqeeyay fariisin Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay ku leeyihiin meel aan ka fogeen deegaanka Ceel-Cade ee Gobolka Gedo halkaas oo aheyd Goobtii Ciidamada kenya weerarka khasaaraha dhaliyay loogu geestay.

Weerarka duqeynta dhinaca Cirka ah ee ka dhacay deegaanka Ceel-Cade ee Gobolka Gedo weli lama oga khasaaraha rasmiga ah basle qaar kamid ah dadka ku nool halkaasi ayaa waxay shegeen in ay maqlayeen Jugta culus ee duqeynta.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ayaa wuxuu sheegaya in iminka Al-Shabaab ay wadaan Baaritaano dheeraad ah iyagoo dadka u diidaya in ay tagaan Goobtii duqeynta ay ka dhacday

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media