Duqa Muqdisho oo la hadlay Dad Banaanbax rabshado wata dhigaya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa gaaray Taaladda Daljirka daah-soon ee Degmada Boondheere oo  Maanta uu ka socdo Banaanbax xoogan oo looga horjeedo Dil xalay ka dhacay Muqdisho.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa fagaaraha Taaladda Daljirka daah-soon ee Boondheere kula hadlay Boqolaal shacab ah oo isugu jira Caruur, Haween, dhalinyaro iyo Odayaal, kuwaasi oo dhigay Banaanbax rabshado wata oo looga soo horjeedo  Dil Askari ka tirsan Booliska uu u geystay Wiil dhalinyaro ah iyo Haweeney Umul aheyd.

Cumar Finish ayaa shacabka u sheegay in la xiray Askarigii dilka geystay, isla markaana sharciga la horgeyn doono, wuxuuna dadka dhigayay Banaanbaxa ka Codsaday inay joojiyaan dibadbaxa saameynta yeeshay.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka in Ehelada dadka laga dilay ay u yimaadan si looga wada hadlo dilkii looga geystay dadkooda, isagoo Carabka ku adkeeyay in Cabashadooda uu ka Jawaabi doono Maamulka Gobolka.

Boqlaal ruux oo shacab ah ayaa Banaanbax rabshado wata ka wada laga soo bilaabo Isgoyska Jubba ilaa iyo Daljirka daah-soon ee Degmada Boondheere, waxaana dadku ay yihiin kuwa aad u careysan, kuwaasi xiray wadada laamiga ah, sidoo kalena gubaya taayaro waaweyn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media