Droneska oo lagula soconayo Qishka Ardayda Shiinaha

Diyaaradaha aan Duulliyaha Lahayn “Drones” ayaa la sheegay inay dul heehaabayaan Labo Xaruumood oo ku yaalla Degmadda Luoyang ee Gobalka Henan ee Bartamaha dalka Shiinaha, si ay u ogaadaan inaysan Ardayda wax qishin.

Lix diyaarad ayaa loo adeegsanayaa si loola socdo Ardayda ku sugan Xarumaha Imtixaanaadka.

In ka badan 9 million oo arday ayaa waxa maalintii Axadda u bilowday Imtixaanaadka Finalka ee ay kaga gudbayeen Dugsiyadda Sare.

Wasaaradda Waxbarashadda ee dalka Shiinaha waxay Sabtidii hore sheegeen inay xireen 23 arday tan iyo bishi iMay ee la soo dhaafay, kuwaasi oo iskudayey in wax kala qishaan.

Ardayda lagu helo qishka ayaa la sheegay in muddo saddex sanno ah laga joojinayo inay Imtixaanaadka galaan.

Dhinaca kale, Diyaaradaha Droneska oo midiiba lagu iibiyo tobanaan kun oo Dollar ayaa waxa u sii dheer iyadoo uu kharaj badan ku baxayo shidaalka.

Diyaaradaha waxay awoodi karaan inay qabtaan qalabka Elektorooniko ah.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor