Dowladda Uganda oo ku fashilantay dacwado loo haystay Taliyihii hore ee Ciiddanka UPDF ee Hawlgalka AMISOM

Dacwad=oogaha Dowlada Uganda, Gaashaanle Frederick Kangawamu ayaa sheegay inay ku fashilmeen dacwadihii ay ku soo oogeen Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Michael Ondongo, kaasi oo ay Maxkamadda Milliteriga sheegtay in lagu waayey 13-kii dembi ee loo haystay.

Michael Odinga ayaa waxay dacwadiisa socotay tan iyo markii la xiray bartamihii sannadkii 2013-kii.

Dacwad-oogaha, Maj Frederick Kangwamu, ayaa sheegay inay u yimaadeen dhegeysiga Kiiskaasi, balse ay heleen Talooyin uga yimid Dowladda, laguna joojiyey sii-socoshadda kiiskaasi.

Shir-guddoomiyaha Maxkamadda Milliteriga Uganda, Sarreeye Gaas Levy Karunhaga ayaa ku dhawaaqay in la sii daayey Taliyihii hore ee Ciiddanka UPDF ee Hawlgalka AMISOM.

Waxa uu intaasi ku daray haddii ay Dowladda mar kale codsato in dib loo furo Kiiskaasi loo yeeri doono Taliyahaasi, Sarreeye Guuto Michael Ondonga oo isaga horey loogu soo oogay inuu dishibiliin xumo muujiyey iyo isagoo lagu soo oogay inuu shidaalkii ciiddamadda iibsaday iyo in korantaddii AMISOM ee Xeradda Tababarka ee Aljazeera loo gudbiyey dad rayid ah iyo Shirkad Isgaarsiineed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor